Liverpool Oo Soo Dubatay Munich , Saido Mane Oo Reds Ka Xaadiriyay Wareegga 8-da Champion-ka .

0

Bayern Munich iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ka dib ciyaar biloowgii ay kubadda ku badneyd Munich , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa lugta labaad ee wareegga 16-ka Chmapion-ka,Liverpool waxaa biloowgii ka dhaawacmay Henderson iyadoo daqiiqaddii 14-aad lagu soo badalay Fabinho .

Muncih ayaa guud ahaan biloowgii kubadda maamuleysay balse ma jririn halis gillin ay ku sameeyeen goosha Liverpool kuwaasi oo kubad taxadar leh ciyaarayay walibana sugayay jawi ay ku fahmaan qaab ciyaareedka Munich .

Muncih ayaa ku tiirsanyed kubadaha dhaadheer waxa ayna dagaal ugu jireen in waqti hore gool ku keenaan Liverpool balse tasi ma dhicin , waxa ayna Liverpool dhaq dhaqaaqa ciyaarta soo galeen waxii ka dambeeeyay daqiiqaddii 23-aad .

Liverpool si geesinimo leh ayay u soo baxayeen waxa ayna sameyneyayeen isku dayo ah in kubadda gaarsiiayan goosha Munich , waxa ayna daqiiqadsii 26-aad heleen gool aad u qurxoon waxaana saxiixay Sadio Mane kaasi oo goolhayaha Munich oo banaanka u soo baxay kubad ka farsameystay walibana hawada u sii diray daafaca ayuu si jeed jeed ah ugu hubsaday shabaqa Munich .

Ka dib goolkaas , duullaanka Liverpool waa xoogeystay iyaga ayaana ahaa dhankii wacnaa halka Munich ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah , waxa ayna Muncih heleen goolka bar bar dhaca ka dib qalad uu sameeyay Joel Matip kaasi oo iska dhaliyay gool.

Kubadda ayaa dhamaadkii aheyd mid u furan labada dhinac , waxaana la qiyaasi karay in qeybta labaad ay wax waliba is badali karaan , waxaana lagu nastay min halkaas gool.

Qeybta labaad , labada koox dar dar ayay ku soo galeen iyo kubad deg degsiimo leh , waxa ayna Liverpool ku sigteen gool daqiiqaddii 49-aad ka dib kubad uu ku laaday Salah goosha Munich balse goolhayah ayaa iska soo bixiyay kubadda .

Biloowgii qeybta labaad , Liverpool ayaa weerar tageysay halka Munich-na ku jireen daafac iyo in ku tiirsanaadaan kubadaha rogal celiska ah .

Munich daqiiqaii 60-aad fursad gool xaqiiq aheyd ayay iska cuneen , waxa ayna kooxda reer Jarmal daqiiqadii 61-aad badaleen Franck iyaga oo soo giliyay Kingsley Coman , waxaana xusida mudan in mararakq aar kubad haysashada Muhci gaareysay heer %60

Liverpool kubadda ayay jiidayeen goosha Munich waxa ay helayeen fursado ay ku halis giliyaan iyo waliba koornooyin , waxa ayna ugu dambeyn heleen gool labaad ka dib kuabd koorno uu ka soo laaday Milner ayaa waxaa daqiiqaddii 69-aad in uu hawada u kacay si cajiib ah madaxa ugu dhaliyay Virgil van Dijk .

Munich dhamadkii waa ay soo weerar tagayeen balse taasi badalkeeda halis ayay galayeen waxaana fursad xaqiiq ah Liverpool ka qasaariyay Salah daqiiqaddii 75-aad

Dhamaadkii , kooxda reer Ingiriis si wacan ayay kubadda u dhisayeen waxaana kubadda dhisayay Mane iyo Salah , waxa ayan dileen rajo waliba oo ay Munich gool bar bar dhac ku heli lahaayeen waxa ayan ku heleen gool sedexaad daqiqiadii 84-aad waxaana dhaliyay Mane ka dib kubad qajaf aheyd ee uu ka helay Salah , waxa ayan ku dham,aatay ciyaarta 3/1  oo ay Liverpool isaga xaadiriyeen waregga 8-da Champion-ka

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here