Liverpool Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddigii Man United Ku Fashilmay Ee Memphis Depay & Sadio Mane Oo Sabab U Ah

0

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay si ay ugu soo celiso premier League 4 sano kadib markii uu ku fashilmay kooxda Man United.

Memphis Depay ayaa haatan lagu qiimeeyaa 50 milyan oo euro waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda Lyon si uu ugu ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalada yurub.

Waxana uu ku soo laabtay Diirada Liverpool kadib xiisihii ay Real Madrid u muujisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Sadio Mane.

Memphis Depay ayaa sanadkii 2015 ku soo biiray Man United kadib markii uu tababare Louis Van Gaal ka soo bixiyay lacag dhan 30 milyan oo euro.

Liverpool ayaan wax niyad ah u hayn in ay iibiso xiddiga Sadio Mane kaas oo si weyn loola xiriirinayo adeegiisa kooxda Real Madrid laakiin waxa ay doonayaan in ay badalkiisa meel sii dhigtaan hadii uu Sadio Mane isku dayo in uu ku qasbo in uu boxo waxana ay muddo bilo ah la socdeen qaab ciyaareedka Depay.

Depay ayaa 6 gool u dhaliyay 8 kulan oo uu u ciyaaray xulka qarankiisa Tababaraha Holland ee Ronald Koeman ayaana haatan sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro koox weyn.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here