Liverpool Oo Sedex Gool Ugu Awood Sheegatay Bournemouth , Horyaalka Ayay Soo Ceshteen Ka Hor Kulanka City Ee Axadda .

Liverpool iyo AFC Bournemouth ayaa ku bilaabay ciyaarta kubad deg degsiimo leh xilli daqiiqaddii koowaad ay kooxda martida ku dhawaadeen in gool cajiib ah ka dhaliyaan Liverpool balse goolhayaha ayaa diiday .

Ka dib dhacadaas , Liverpool kubad baasas wacan leh ayay ciyaarayeen inkastoo halis gillin aysan ku sameyn goosha Bournemouth.

Labada koox waxa ay ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh balse waxaa maamulka ku badnaa Liverpool kuwaasi oo weysanaa waddo ay ku gaaraan shabaqa .

Mane , Firmino iyo Salah ayaa dadaal gooni ah waday balse daafac ayaa hor taagnaa waxa ayna guud ahaan kubadda ku badneyd Liverpool balse halis gillin muuqata kuma aysan sameyn shabaqa kooxda AFC Bournemouth
Bournemouth waxa ay mararka isku dayayeen in ay soo baxaan goosha Liverpool-na ku gaaraan kubado rogaal celis ah balse daafaca Liverpool kulankaan si fog ayay u foojignaayeen .

Liverpool ayaa aheyd kooxda laga filan karay goolka maadaama guud ahaan kubadda ay maamulayeen waliba weerar wacan wadeen , waxaana ugu dambeyn dhaliyay Saido Mane ka dib kubad uu soo qajafeeyay Milner ayuu madaxa ku dhaliyay daqiiqaddii 24-aad

Ka dib goolkaas , Liverpool cadaadiska ayay sii xoojiyeen waxaana laga filan karay goolal dheerad ah xili kooxda martida ay la daala dhacayeen in ay kubadahaha iska soo saaraan .

Kooxda martida ah waxa ay kulanka ka noqdeen daawadayaal waxaan kubadda dhan waliba ka maamuleysay Liverpool oo gool labaad heshay daqiiqadii 34-aad waxaana saxiixay Georginio Wijnaldum .

Ka dib goolkaas labaad, kubadda waa ay degtay waxa ayna Liveprool ciyaarayeen baasas gaaban xilli kooxda martida ah isku dayayeen in daafaca ka soo baxaan , waxaana daqiiqaddii 44-aad kubad cajiib aheyd kuna sii soctay goosha Bournemouth waxaana Mohamed Salah ka bad baadiyay goolhayah waxaana lahgu nastay labadaas gool.

Soo laabashadii, durba Liverpool gool sedexad ayay dhaliyeen waxaana saxiixay Mohamed Salah waxa ayna aheyd daqiiqadi1i 48-aad , wax aayan taasi cakirisay rajadii kooxda Bournemouth

Ka dib dhacadaas , ciyaarta hal dhinac ayay noqotay waxaana kooxda Bournemouth ka maqnaa hamiga ah in kubadda la qeybsadaan Liverpool .

Mohamed Salah ayaa dadaal dheeraad ah waday waxa ayna kooxda Liverpool mudnaayeen gool 4-aad marka la eego maamulka ciyaarta .

Firmino kulankaan si wacan ayuu ugu raaxeysanayay kubadda marka loo eego kulankii West Ham oo uu liitay , waxa ayna guud ahaan ciyaarta aheyd mid u janjeertay Liverpool .

Liverpool daqiiqadii 77-aad waxa ay sameeyeen badalkooda ugu horeeyay waxa ayan soo giliyeen Trent Alexander-Arnold oo loo badalay Wijnaldum,mana jirrin sheekooyin laga qoro kulanka maadaama liverpool ay gacan sareysay .

Kooxda Bournemouth dhaamadkii waxa ay isku dayayeen in shabaqa Liverpool u dhawaadaan balse waa la hor taagnaa xilli Liverpool daqiiqadii 90-aad ay soo giliyeen Daniel Sturridge oo loo badalay Firmino waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3 gool oo nadiif ah oo ay Liverpool ku badiyeen .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here