Liverpool Oo Mar Kale Guul Wakhti Dambe Ah Ka Gaadhay Southampton, Mohamed Salah Oo Ka Baxay Abaartii Goolasha & Reds Oo Hogaanka La Wareegtay.

Kooxda Liverpool ayaa mar kale guul wakhti dambe timid ka gaadhay kooxda Southampton kulan ayna si fiican u ciyaarin qaybtii hore ee ciyaarta kana tirsanaa horyaalka premier league.

Kooxda Southampton ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Liverpool ka qaab ciyaareed fiicnaa halka ay Liverpool kaliya ku ekayd kubada haysashada.

Daqiiqadii 9-aad ayay Southampton dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Xiddiga Shane Long kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Southampton ku hogaaminayso.

Liverpool ayaan wali wax is badal ah ka samayn dhanka weerarka iyaga oo kaliya maamulayay kubada halka Southampton samaysay fursad cajiib ah oo ay goolal ka dhalin karaan.

Daqiiqadii 36-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita kaas oo ciyaarta ku soo celiyay Liverpool kana dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool dhibaatootay waliba si weyn looga qaab ciyaareed fiicnaa Southampton-na u qalantay in ay goolal intaas ka abdan dhaliso.

Qaybtii dambe oo la filayay in ay Liverpool si dar-dar leh ku soo gasho ciyaarta ayaa noqotay mid ay si dagan ku bilaabatay iyaga oo maamulayay kubada laakiin aan abuurayn fursado fiican.

Si kasta ha ahaatee sidii caadada ahayd ee looga bartay xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa ciyaarteeda wax weyn ka badashay daqiiqadiihii ugu dambeeyay iyaga oo weerar badan qaaday.

Daqiiqadii 80-aad ayay Reds dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Mohamed Salah oo kaga baxay abaartii gool la,aanta ee haysatay 5-ta kulan ee premier League ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyarta.

Mar kale ayay Liverpool ciyaarta ka dhalisay goolkii 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay Jordan Henderson kaas oo ciyaarta gabi ahaan dilay kana dhigay 3/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhaamatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul wakhti dambe oo dahabi ah siina waday tartanka ay ugu jirto ku guulaysiga horyaalka premier League lana wareegtay hogaanka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here