Liverpool Oo Loo Sheegay In 50 Milyan Ay Kula Wareegi Karaan Xidig Premier League Ka Tirsan Oo Wax Badan Klopp Ka Caawin Kara.

0

Kooxda Liverpool ayaa la dhibtoonaysa dhaawacyada soo gaadhay saddex ka mid ah afartii difaac dhexe ee uu Jurgen Klopp ku shaqaynayay xili ciyaareedkan laakiin kooxda Reds ayaa loo sheegay in ay 50 milyan gini ku heli karaan mid ka mid ah difaacyada dhexe ee Premier league ugu fiican.

Kooxaha waa wayn ee Premier league ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay difaaca dhexe ee kooxda Burnley ee James Tarkowski kaas oo ka mid ah difaacyada ugu bandhiga fiicnaa Premier league xili ciyaareedyadii la soo dhaafay balse kooxda Burnley ayaa 50 milyan gini ku qiimaysay xidigan.

Liverpool ayaa xiiso ka muujisay difaaca kooxda Burnley ee James Tarkowski laakiin waxay doonayaan in ay qaab amaah ah ku soo qaataan laakiin sida uu shaaciyay The Sun, maamulka kooxda Burnley ayaan aqbali karin dalab amaah ah waxayna Liverpool ka doonayaan 50 milyan gini haddii ay rabaan saxiixa James Tarkowski.

Liverpool ayaa afar dhibcood ka saraysa Manchester City waxayna kooxda Jurgen Klopp doonaysaa in ay sii adkaysato hogaanka Premier league marka ay sabtida booqdaan kooxda Brighton laakiin Reds ayaa la dhibtoonaysa dhaawacyada soo gaadhay Joel Matip, Joe Gomez iyo Dejan Lovern.

James Tarkowski ayaa si buuxda u soo cadeeyay in uu ka mid yahay difaacyada heerka ugu saraysa kaga soo ciyaaray Premier league waxaana la aaminsan yahay in uu aad uga fiican yahay Dejan Lovern oo ka mid ah difaacyada uu Klopp ku soo shaqaynayay.

Laakiin Liverpool ayay qasab ku noqon doontaa in ay bixiso lacag 50 milyan gini ah haddii ay doonayso saxiixa James Tarkowski laakiin haddii ay Reds kaga dhabayso xiisaha ay ka muujisay saxiixa Tarkowski waxaa hubaal ah in uu wax badan ka caawin karo.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka Brighton waxa uu Klopp ku qasbaan doonaa in uu difaaca dhexe ee kooxdiisa ku soo wada bilaabi doono Virgil Van Dijk iyo Fabinho si uu u sii xaliyo xaalada deg dega ah ee ka haysata difaaca dhexe ee kooxdiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here