Liverpool oo laga ciribtiray kooxba FA Cup-ka & Wolverhamton oo wareega xiga xaadiray

0

Liverpool ayaa waxa ay caawa ciyaartay kulankeedii u haray ee koobka FA Cupka kaasoo ahaa mid ay kaga hortageysay kooxda Wolverhamton oo kamida ah kooxaha siweyn sanadkan isk dhistay isla markaana xidigo culus suuqa kala soo wareegtay.

10:45 xiliga geeska afrika ayaa si rasmi ah loo baasay liverpool ayaa badal badan kusameysay shaxdeeda waxaana ay fursad siisay xidigo dhowr ah oo safkeeda ka tirsan , iyadoo bilowgii hore ciyaarta ay aheyd mid isku dheeli tirneed waxaana koox walba ayka carareysay iney shabaqeeda gool lasoo taabsiiyo.

Kooxda liverpool ayaa heshay kubado dhowr ah oo fursado ah waxaana ay isku dayeen iney kamira dhaliyaan lkn meysan dhicin.

Sidoo kale kooxda Wolverhampton ayaa soo badhigtay ciyaar geesinimo leh waxaana ayla timid goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta daqiiqadii 38 aad waxaana dhaliyey Raul Jimenez.

Intaa kadib liverpool ayaa isku dayday iney kajawaabto digniintaasi waxaana ay keeneen goolka barbaraha daqiiqadii 51 aad ee qeybta dambe isagoo udhaliyey Divock Origi .

inta waxii kadambeeyey iyadoo lagu guda jiro qeybtii dambe waxaa halkeeda kasii socotay ciyaarta waxaana laba kooxood ay ku dadaalayeen iney mid mida kale ay shabaqadeeda gool ka ilaashato lkn waxaa yimid waqtigii fajaca markii uu daqiiqadii 55 Ruben Neves uu liverpool gool ugu shubay ciyaartana ka dhigay 2-1 oo wolverhamton hogaanka ciyaarta udhiibay.

Liverpool ayaa ciyaarta waxey soo gelisay qaarkamid ah xidigaheeda shaxda 1aad iyadoo ku dadaaleysay iney wax kabadasho islamarkaana goolka lagu lahaa ay soo gudo lkn taasi meysan dhicin iyadoo fursado badan abuurtay qeybtii dambe lkn waxaa soo gaartay guuldaradii 2aad oo xiriir ah kadib markii todobaadkii tagay City ay dhagaha ku dhufatay caawana wolverhamton ayaa garaacday sidaas ayaana looga saaray koobka FA Cupka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here