Liverpool Oo Ku Dur-durisay Watford, Shan Gool Ayay Ku Garaceen Xilli Van Dijk Uu Dhaliyay Laba Gool

Liverpool ayaa ciyaarta ku biloowday cadaadis waxa ayna kooxda Watford ku qaadaeen weerar aan kala joogsi laheyn balse kooxda martida ah waa ay ku guuleysanayeen in ay kubdaha iska soo fogeeyaan.

Biloowgii, Liverpool aad ayay u wacnaayeen waxa ayna weerarka ka qaadayeen dhan waliba waxaana ka go`naa in gool waqti hore ay keenaan maadaama ay weerarka ku fiicnaayeen .

Watford oo ay ku adkeyd in ay kubadda soo gaarsiiyaan aaga goosha Liverpool waxaa lagu keenay gool uu dhaliyay Sane daqiiqaddii 9-aad , waxa uuna ahaa gool madaxa ah .

ka dib goolkaas , kooxda Watford waxa ay isku daayeen in kubadda horay u soo jiidaan balse sidii la rabay uma aysan dhaceyn walibana deg deg ayaa looga soo jarayay weerarka ay abuuraan.

Liverpool kubad kalsooni leh ayay ciyaarayeen oo si cajiib ay ayay isugu dhiidhiibayeen waxa ayna daqiiqaddii 15-aad ku sigteen gool labaad balse daafaca Watford ayaa u diiday balse guud ahaan wiilasha Klopp dar dar sareysay ayaa ka muuqatay.

Kubadda Liverpool kala joogsi ma laheyn, Mohamed Salah-na si cajiib ah ayuu u ciyaarayay waliba u qaybinayay baasaska , waxa ayna Liverpool heleen gool labaad oo cajiib ah waxaana dhaliyay Sane daqiiqaddii 20-aad iyadoo uu ku dhaliyay qaab cirib ah , waxaana labaad gool baasay Alexander-Arnold

Si kastaba , Liverpool iyaga ayaa dhanka wacan waxaan qeybtaas hore ka muquday isku xernaan is fahan dhanak kubadda , waxa ayna nasiinada ku aadeen laba gool oo ay lahaayeen.

Biloowgii soo laabashada , Liverpool kubadda waxa ay ku jeediyeen goosha Watford kuwaasi oo mararka qaar isku dayay in kubado weerar ay ku halis giliyaan Liverpool

Guud ahaan , saaxibada Salah ayaa kubad wacnaa kana muuqatay dar dar xooggan xilli gool sedexaad ay heleen daqiiqaddii 66-aad waxaana saxiixay Divock Origi

Qeybhii dhamaadka , Watford waxa ay isku dayayeen in ay horay u soo dhaqaaqaan kubaddana la qeybsadaan Liverpool waxa ayan daqiiqadii 76-aad iska qasaariyeen fursad xaqiiq aheyd .

Liverpool , waxa ay daqiiqaddii 78-aad saareen Saido Mane iyaga oo soo giliyay Adam Lallana kaasi oo durba sabab u noqday gool 4-aad ka dib qalad isaga lagu galay ayaa Liverpool loo dhigay iyadoo kubaddii Free Kick-ta aheyd uu gool madaxa ah oo cajiib ah uu ku dhaliyay Virgil Van Dijk daqiiqaddii 79-aad .

Ka dib goolkaas , Liverpool waxa ay go`doomiyeen Watford waxa ayna ugu dareen gool 5-aad waxaana labeystayVirgil Van Dijk daqiiqaddii 82-aad , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay shan gool oo ay guusha ku raacday Liverpool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here