Liverpool Oo Ku Biirtay Baacsiga Weeraryahanka Luka Jovic.

0

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic.

Luka Jovic ayaa laba xilli ciyaareed oo amaah ah ku qaatay kooxda Eintracht Frankfurt isaga oo dhaliyay 36 gool 69 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Germany.

Kooxda Frankfurt ayaa todobaadkii hore si toos ah ula wareegtay xiddiga reer Serbia ee 21 jirka ah laakiin waxa la aaminsanyahay in ay si toos ah u iibinayso xiddiga marka la gaadho suuqa xagaagaga.

Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay hogaanka u hayso tartanka loogu jiro xiddiga laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool haatan ku biirtay tartanka.

Kooxda Man City ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay xiiso u qabto 21 jirkan 17 gool ka dhaliyay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan 28 kulan oo uu u saftay kooxda.

Liverpool ayaa suuqa u gali doonta weeraryahan cusub oo ay la tartansiiso Roberto Firmino maadama ay kooxda ka tagayaan xiddigaha Origi iyo Sturridge kuwaas oo raadsanaya koox ay joogto ugu ciyaaraan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here