Liverpool Oo ka Warbixisay Xaalada Dhaawac Ee Fabinho Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Crystal Palace

Liverpool & Jurgen Klopp ayaa u dhag taagaya baadhitaanka lagu samayn doono xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Fabinho ka hor kulanka xiga ee premier League.

Xiddiga reer Brazil ayaa u muuqday mid dhaawac muruqa ah soo gaadhay kulankii Crystal Palace isaga oo isaga baxay ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay.

Inkasta oo ayna Liverpool wax kulamo ah ciyaari doonin ilaa dhamaadka bishan hadana Klopp ayaa ka cabsi qaba in uu waayi doono adeega xiddiga khadka dhexe kadib markii James Milner kaadhka cas loo taagay.

“Waxa aan sawiran karaa in uu Milner seegi doono kulanka xiga sidoo kale Fabinho shaki ku jiro waxa ay noqon doontaa taxadi aweyn, hadii aan ciyaari lahayn Salaasada hadana Sabtida”.

“Ma Garan karo sida aan wax u xalin lahayn, haatan waxa aan wiilasha siin doonaa fasax laba maalmood ah kadib waxa aan bilaabi doonaa isku diyaarinta kulanka Leicester City”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here