Liverpool Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Man United 20 Sano Ka Hor Ka Dhigtay Premier League

Kooxda Liverpool ayaa fursad u haysata in ay ku soo laabato wadada guulaha Axada Marka ay marti galin doonaan kooxda Burnley kulan ka tirsan premier League.

Reds ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Everton Axadii hore iyaga oo kaalinta 2-aad dib ugu dhaadhacay kala saraynta premier League.

Hogaamiyayaasha Premier League ee Man City ayaa haatan hal dhibic ka horeeya kooxda Jurgen Klopp xilli 9 kulan ka hadhsan yahay dhamaadka horyaalka premier League waxana ay 4 dhibcood ka horayn karaan hadii ay Sabtida guul ka gaadhaan kooxda Watford.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa cadaadiska saari karta City hadii ay Axada ka badiso kooxda Burnley kulan ka dhici doona Anfield.

Kooxda Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin horyaalka kulamada garoonkeeda 35-kii kulan ee ay ciyaartay iyada oo 25 kulan badisay 10 kalena bar-baraysay.

Hadii ay guuldaro ka foogaadaan kooxda Liverpool ayaa bar-barayn doonta rikoodh ay 20 sano ka hor dhigtay kooxda Man United kaas oo ah in ayna garoonkeeda guuldaro kala kulmin 26 kulan oo premier League ah intii u dhexaysay (December 1998-December 2000).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here