Liverpool Oo Heshay War Fiican Oo Ku Saabsan Mohamed Salah.

Koxoda Liverpool ayaa war fiican oo cajiib ah ka heshay xiddiga kooxdeeda ugu fiican ee Mohamed Salah ka hor wakhtiga xasaasiga ah ee tartanka horyaalka premier League.

Xiddiga Mohamed salah ayaa laga reebay Liiska xulka qaranka Masar ee ka qayb gali doona kulamada is reeb-reebka qaarada Africa ee bisha Dambe.

Madaxa xiriirka kubada cagta Masar ayaa sheegay in uuna Salah ka qayb qaadan doono labada kulan ee soo socda ee uu xulka Masar ciyaari doono.

Xulka qaranka Masar oo marti galin doona koobka qaarada Africa xagaaga ayaa la ciyaari doona xulalka Nigeria iyo Niger.

Warkaas ayaa ah mid aad ugu fiican Liverpool iyo rajadeeda ay ka qabto tartanka horyaalka premier League maadama uu salah nasiino fiican qaadan doono.

Reds ayaa haatan kaalinta 2-aad kaga jirta kala saraynta premier League iyaga oo dhibco kaga dambeeya hogaamiyayaasha Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here