Liverpool Oo Heshay Fursadii Ay Sugaysay, Man United Oo Haddaba Ka Raysatay Jose Mourinho

0

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursadii ay waqti badan sugaysay xili ciyaareedkan kadib markii ay isla heshay laba arimood oo kooxdeeda muhiimad wayn u lahaa. Liverpool ayaa kulankii jimcihii ay ciyaartay waxay guul muhiim ah ka sii gaadhay Wolves laakiin waxay saddex dhibcood oo kale ka heshay kooxda Crystal Palace oo guuldaro layaableh baday Manchester City.

Kulamadii 18 aad ee Premier league waxay noqdeen kuwo natiijooyin layaableh laga diwaan galiyay iyada oo Chelsea iyo Manchester City garoomadooda lagu cunay isla markaana min saddexda dhibcood laga qaatay waxayna arintan saamayn wayn ku yeelatay kala sarayntii kaalmaha sare iyo qaabkii ay wax u muuqdeen.

Kooxda Arsenal ayaa ka soo kabsatay guuldarooyin xidhiidh ahaa oo hore uga soo gaadhay Southampton iyo Tottenham waxayna saddexda dhibcood ka heshay kooxda Burnley taas oo Gunners ka caawisay in ay culayska soo saartay Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here