Liverpool Oo Haatanba Heshay Badalka Alberto Moreno, Halkee Ayay Ka Soo Wadaa?

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid haatanba heshay badalka xiddiga daafaca bidix uga ciyaara ee Alberto Moreno kaas oo ku wajahan kooxda Napoli xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa badalka Alberto Moreno ka dhigaysa xiddiga da,yarka ah ee Adam Lewis kaas oo ka soo baxay Akademiyada Reds.

19 jirkan ayaa kooxda 1-aad u raacay Garoonka tababarka ee Marbella ee bishii Hore inkasta oo uuna wali wax kulan ah u ciyarin kooxda 1-aad ee Liverpool.

Xiddigaha da,yarka ah ee Ki-Jana However, Curtis Jones & Rafa Camacho ayaa dhamaantood kulankoodii ugu horeeyay la ciyaarsiiyay kulankii Wolves ee bishii January ee FA Cup-ka.

Marka loo eego tayada, orodka iyo waliba baaskiisa cajiibka ah Lewis ayaa loo soo dalici doonaa kooxda 1-aad dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Moreno ayaa ah xiddig aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Liverpool isaga oo kaliya 2 kulan oo horyaalka ah u ciyaarayy kooxdiisa.

Xiddiga ayaa si xor ah uga tagi kara kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Lazio.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here