Liverpool Oo Haatanba Diyaarsatay Badalka Mohamed Salah Hadii Uu Ku Biiro Juventus

0

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkan lala xiriirinayaa kooxda Juventus kuwaas oo doonaya in ay xagaaga ku xoojiyaan weerarkooda.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay Kooxda Juventus doonayso in ay hesho saxiixa Mohamed Salah marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool haatanba diyaarsatay badalka Mohamed Salah hadii uu ka tago kooxda.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Fiorentina ee Federico Chiesa.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Fiorentian dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu biiro koox weyn oo champions league ka ciyaarto.

Salah ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan Laakiin Juventus ayaa doonaysa in ay xiddiga reer Masar dib ugu celiso horyaalka Serie A-da.

Waxa xusid mudan in uu Mohamed salah horay uga soo ciyaaray horyaalka Serie A-da isaga oo u soo ciyaaray kooxha Fiorentina iyo Roma.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here