Liverpool Oo Guul Dirqi Ah Oo Ay Ku Rafaaday Ka Gaadhay Fulham & Reds Oo La Wareegtay Hogaanka Horyaalka

0

Kooxda Liverpool guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka premier league toodbaadkiisii 31-aad.

Reds ayaa gabi ahaan maamulaysay ciyaarta iyaga oo ahaa kooxda qaab ciyaareed fiican iyada oo ayna fulham soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Fulham ayaan xitaa wax weerar hagaagsan qaadin qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo kaliya difaacanayay goolkooda iskana ilaalinayay goolal badan.

Liverpool ayaa daqiiqadii 26-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Reds ayaa heshay fursado badan oo goolal laga dhalin karay Laakiin Waxa u suurtagali wayday in ay gool u badalaan fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Reds 1/0 ku hogaaminayso waliba si weyn u maamulaysay ciyaarta guud ahaan.

Qaybtii dambe ayay Si la mid ah Reds ugu bilaabatay ciyaarta si cajiib ah iyaga oo qaadayay weeraro waali ah oo ay ku doonayeen goolal kale.

Fulham vs Liverpool LIVE score updates – Klopp’s side look to go top of Premier League

Kooxda Fulham ayaa daqiiqadii 74-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ryan Babel isaga oo ka faa,iidaystay khalad ay galeen xiddigaha Alisson iyo Van Dijk.

Reds ayaan niyad jabin waxana ay bilowday sidii ay u raadin lahayd goolka hogaanka iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 81-aad ayay Reds heshay wixii ay doonaysay kadib markii uu gool rikoodhe ah u dhaliyay xiddiga James Milner kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul dirqi ah si buuxdana ku meel gaadh ugula wareegtay hogaanka horyaalka Premier Leageu.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here