Liverpool Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay Cardiff City Lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka

0

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Cardiff City kulan ka dhacay garoonka Cardiff City Stadium kana tirsnaa toodbaadkii 35-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayay Reds maamulaysay dhanka kubad haysashada halka ay kooxda Cardiff City Daafac ku bilaabatay daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay xitaa bar-baro ku qabtaan Reds halka ay dhanka kale ku qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo aan inta badan faa,iido lahayn oo ayna ka faa,iidaysanayn.

Kooxda Liverpool ayaa ku dhibaatootay in ay jabiyaan daafac bir ah oo ay Cardiff City dhigteen iyaga oo aan dhaafin daafaca Cardiff inkasta oo ay maamulayeen ciyaarta.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Reds ku dhibaatootay in ay daafacan Daafaca Cardiff halka ay kooxda Martida loo ahaana heshay wixii ay doonaysay qaybtii hore oo ahay bar-baro gool la,aan ah.

Qaybtii dambe ayay Reds si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool ciyaartana wax ka badalaan si ay halka ay Cardiff ku adkaysanaysay daafaca.

Daqiiqadii 56-aad ayay Liverpool heshaygoolkii ay raadinayeen iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Reds ayaa ka faa,iiday goolkaas iyaga oo sameeyay fursado badan kadib markii ay Xiddigaha Cardiff u soo bexeen sidii ay u bar-barayn lahaayeen goolka ay Liverpool dhalisay.

Laakiin Liverpool ayaa ciyaarta dishay daqiiqadii 81-aad kadib markii uu James Milner rikoodh u balay khalad lagu galay xiddiga Mohamed Salah hogaankana u dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul qaali ah mar kalena hogaanka kala wareegtay kooxda Man City oo sabtidii hogaanka u qabatay horyaalka premier Legaue.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here