Liverpool Oo Garaacday Fc Porto Semi-Final Champions League-na Balansatay Kooxda Barcelona

Kooxda Liverpool ayaa si xarago leh isaga xaadirisay Semi-finalka tartanka champions League kadib markii ay guul ay u qalmeen ka gaadheen kooxda Fc Porto kulan ka tirsanaa lugtii 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Reds oo guul 2/0 ah soo gaadhay lugtii hore ayaa kulanka u soo gashay sidii ay u dhamaystiri lahayd shaqada una hubin lahayd sidii ay ugu soo bixi lahayd 8 dhamaadka tartanka.

Kooxda Fc Porto ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo qaadayay weeraro ay doonayeen in ay ka dhaliyaan kooxda Liverpool si ay ciyaarta ugu soo laabtaan Laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Liverpool.

Daqiiqadii 26-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku hogaaminayso 1/0 laakiin Porto ahayd koox qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay laakiin aan wax gool ah dhalin.

Qaybtii dambe ayay kooxda Liverpool ku bilaabatay si dagan iyaga oo qaadayay weeraro laakiin aan isku dhibayn maadama ay natiijada gacanta ku haystaan haatanba.

Daqiiqadii 65-aad ayay Reds dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Fc Porto ayaa daqiiqadii 69-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Eder Militao kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Porto hal gool soo ceshatay.

Sadio Mane ayaa ku dhawaaday in uu dhaliyo gool kale isaga oo iska khasaariyay fursad uu xitaa goolhayaha kooxda Porto u jaray laakiin birta dul mariyay fursadaas.

Laakiin Daqiiqadii 77-aad ayuu Roberto Firmino Liverpool u dhaliyay goolka 3-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 84-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad ciyaarta iyaga oo uu madax u dhaliyay daafaca Virgil van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Reds ugu raaxaysanayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul ay u qalantay iskana xaadirisay Semi-finalka champions League

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here