Liverpool Oo Doonaysa In Ay Suuqa Bisha January La Soo wareegto Hazard.

0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu xiisaynayo saxiixa Laacibka Borussia Monchengladbach Thorgan Hazard marka uu furmo suuqa kala iibsigu bisha nagu so fool leh ee January.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium, Kaas oo la dhashay xiddiga Chelsea Eden Hazard, ayaa dhaliyey 12 gool sidoo kale dhigay 7 kale 19 kulan oo uu kasoo muuqday Safka Kooxda ka ciyaarta horyaalka Germany ee Borussia Monchengladbach xili ciyaareedkan.

25 Jirkaan ayaa qandaraaskiisa Haatan ee Kooxda Gladbach waxa uu dhacayaa Bisha lixaad ee Sanadka 2020 ka, Sikastaba, SIda ay kusoo waramayso Daily Star, Liverpool ayaa ku dalban doonta bilowga Sanadka cusub 31 milyan oo pound.

Sida ay sheegayaan wararkaasi, Klopp ayaa amaah ku siin doona Hazard kooxdiisa Gladbach inta ka dhiman xili ciyaareedkan. Thorgan Hazard Ayaa Chelsea kusoo Biiray Sanadkii 2012 kii laakiin laacibkaan ayaan Wax kulan ah usafan Chelsea ka hor inta uusan si joogto ah ugu biirin kooxda Gladbach.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here