Liverpool Oo Dhawr Mar Wadahadalo La Qaadatay Xiddiga Adrien Rabiot & PSG Oo Ka Caawin Karta In Ay Hesho Adeegiisa Suuqa January

0

Inkasta oo ay hogaanka 6 dhibcood oo cadaan ah ku hayso horyaalka premier League hadana Suuqa ku jirta sidii ay u xoojin lahayd kooxda iyada oo ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Adrien Rabiot.

23 jirka ayaa si weyn loola xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda PSG laakiin wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool hogaanka u qabatay baacsiga xiddiga.

Barcelona aya si weyn loola xiriirinayay saxiixa xiddiga reer France kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Wargayska L’Equippe, ayaa sheegaya in ay Liverpool dhawr jeer la kulantay wakiilka xiddiga si ay ugala hadlaan in ay xiddiga keenaan Anfield.

Jurgen Klopp ayaa xiddigan u arkay badalka James Milner oo haatan da, ah sidoo kale uu dhici doono heshiiskiisu dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay Adrien Rabiot iibiso inta lagu jiro suuqa Janaury si ay uga hor istaagto Barcelona oo si xor ah ku doonaysa xiddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here