Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gubdisay Daafac Premier League & Jawaab Deg-deg Ah Oo Ay Ka Heshay

0

Waxa maanta si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu daafaca Liverpool ee Dejan Lovren dhaawac muruqa ah ku seegi doono kulanka Sabtida ee Ay Reds la ciyaari doonto Brighon.

Kadib warkaas kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah oo amaah ah ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Burnley ee James Tarkowski laakiin kooxdiisa ayaa madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 50 milyan oo euro.

Jurgen Klopp ayaa si deg-deg ah ugu baahan xoojin dhanka daafaca ah kadib dhaawacii soo gaadhay Lovren kulankii FA Cup-ka ee Wolves.

Daafaca reer Croatia ayaa qolka dawaynta Liverpool kula biiray xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Joe Gomez iyo Joel Matip kuwaas oo dhaawac horay ugu sii maqnaa halka uu Jurgen Klopp sheegay in uu Virgil Van Dijk dhaawac yar ka cabanayo.

Kooxda Liverpool ayaa la fahamsan yahay in raadinayso xiddigo ay amaah kula wareegto inta lagu jiro suuqa January.

Laakiin in aad daafac tayo leh ku hesho wakhti aad u kooban ayaa ah mid adag.

Sidaas darteed kooxda Burnley ayaa dhigeeda Liverpool u sheegtay in ay doonayso in ay sii haysato xiddiga James Tarkowski laakiin ay kaliya go,aankeeda ku badalayso hadii ay 50 milyan aragto.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here