Liverpool Oo Afar Gool Uga Talaabsatay Newcastle , Hogaanka Horyaalkana Waa Ay Sii Dheereysteen

0

Liverpool ayaa ku biloowday ciyaarta da dar waxa ayna biloowgii u muuqdeen kuwo heli kara gool deg deg ah balse Newcasytle waa ay foojignaayeen .

Kooxda martida dhankooda ma shar yareyn oo si adag ayay iyana u shaqeynayeen marka kubadda ay soo gasho cagtooda waxa ayna isku dayayayeen in afka hore ee Reds in ay gaaraan .

Newcastle daqiiqaddii 9-aad fursad gool noqon kartay ayay heleen balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysan waxa ayna ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh .

Inkastoo Newcastle geesinimo ay ku soo aadaan aagga goosha Liverpool ay ku jirtay hadana kooxda martida loo ahaa wax waliba aya laga filan karay waxa ayna dagaal ugu jireen in ay ka faa`ideystaan fursad waliba oo ay helaan

Dadaalkii Liverpool waxa ay ku keeneen gool daqiiqaddii 11-aad waxaana saxiixay Dejan Lovren, ka dib ciyaarta waxa ay muuqatay mid maamulkeeda ay hayso Liverpool

Newcastle mararka qaar kubadda si wacan ayay ula qeybsanayeen Liverpool basle ma jirrin isku day rasmi ah oo ay ku booqnayeen goosha Liverpool balse waxa ay ku guuleysteen ayaa ah in kooxda Klopp ka hor istaagaan in fursado xaqiiq ah abuuraan waxaana nasiinada lagu aaday halkaa sgool.

Soo laabashadii , Liverpool durba kubaddooda waxa ay aheyd halis halka Newcastle ahaayeen kuwo foojiggan balse weerar ay wiilasha Klopp qaadeen waxaa ku yimid rigoore waxaana daqiiqaddii 48-aad dhaliyay Mohamed Salah .

ka dib goolkaas labaad , duullaanka Liverpool waa sii xogeystay waxa ayna Mane iyo Shaqiri raadinayeen gool sedexaad xilli Newcastle dhankooda dagaal ugu jireen abuuridda dhowr fursad balse ma aheyn kuwo muuqda .

Ka dib badallo ay Liverpool sameeyeen , ciyaarta xarararad ayay sii yeelataya balse Newcastle xaalka waa ku adkaa oo si sax ah uma aysan soo gaareyn goosha Liverpool .

Dhamaadkii, Newcatsle waxa ay abuurayeen fursado basle daafaca Liverpool ayaa xaadir ahaa xilli kooxda Klopp-na ay kubadda xoog ugu jiidayaeen afka hore si gool sedexaad u helaan kaasi oo ugu dambeyn ay keeneen daqiiqaddii 79-aad waxaana saxiixay Xherdan Shaqiri

Ka dib dhacdadaas , Newscastle gool 4-aad ayay u nuglaayeen ka dib markii loo diiday in kubadda ay taabtaan waana yimid daqiiqaddii 85-aad xilligaas oo uu saxiixay Fabinho,, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay afar gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday Liverpool kuna sii dheereysteen horyaalka waxa ayna kooxda ku soo xigta ee City haatan ka sareeyaan 6 dhibic iyaga oo leh 51 dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here