Liverpool Mise Man City? Taageerayaasha Kooxaha Premier League Oo Doortay Kooxda Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaystaan Premier League.

Xilli tartanka loogu jiro horyaalka premier League ee u dhexeeya Reds iyo Sky Blues taageerayaasha kooxaha kale ee premier League ayaa doortay kooxda ay doonayaan in ay ku guulaysataan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Kooxaha, Man United, Man City, Everton, Chelsea Iyo Southampton ayaa u codeeyay in ay doonayaan in ay kooxda Man City ku guulastaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Kooxda Burnley ayaa dhankooda bar-baro ka dhigay kooxda ay dooyaan in ay ku guulaystaan iyaga oo 50/50 ugu codeeyay kooxda ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee 14-ka kooxood ee kale ayaa dhamaantood u codeeyay in ay doonayaan in ay kooxda Liverpool ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Liverpool, Huddersfield, Fulham, Bournemouth, Wolves, West Ham, Newcastle, Crystal Palace, Leicster City, Cardiff City, Watford, Tottenham, Arsenal iyo Brighton ayaa dhamaantood u codeeyay in ay doonayaan in ay kooxda Liverpool kor u qaado koobka premier League xilli ciyaareedkan.

Arinta u fiican Liverpool ayaa ah in taageerayaasha kooxaha u hadhay kulamada premier League ee Wolves, Huddersfield iyo Newcastle ay doonayaan in ay Reds ku guulaysato horyaalka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here