Liverpool Mise Man City: Ryan Giggs Oo Fikirkiisa Ka Dhiibtay Kooxda Ku Guulaysan Karta Premier League & Sababta Oo Uu Sheegay.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Ryan Giggs ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysandoonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo waliba laba arimood oo ka caawin doonta.

Ryan Giggs ayaa rumaysan in ay Man City uga cad-cadahay Liverpool ku guulaysiga horyaalka premier League xilli 12 kulan ka hadheen tartanka.

City ayaa hogaanka u haysa horyaalka premier League iyada oo goolal kaga horaysa Reds inkasta oo ay hal kulan ka horayso Liverpool.

Man City ayaa guul weyn ka gaadhay Chelsea todobaadkii hore iyaga oo ku xasuuqay 6/0 fariin culusna u diray kooxda Liverpool.

Laakiin Liverpool ayaa u jawaabi karta marka ay todobaadka dambe la ciyaari doonaan kooxda Man United kulan ka dhici doona Old Trafford.

Giggs oo 13 horyaal kula soo guulaystay Man United ayaa dareensan in khibrada iyo qaab ciyaareedka fiican uu go,aamin doono kooxda ku guulaysan doonta isaga oo qirsan in ay kooxda Pep Guardiola haatan faa,iidada haystaan

“Waxa haatan la gaadhay markii ay khibrada iyo waliba qaab ciyaareedku muhiimka ahaa”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waa in aad iska ilowdo hadalada badan ee saxaafada iyo taageerayaasha kuwaas oo cadaadiska kugu saaraya oo leh “Hadii kulan lagaa badiyo tartanku waa dhamaaday”.

“Hadii lagaa badiyo waad soo laaban kartaa kaakiin hadii aad badiso kulamada arintaas joogto uma qaadan kartid”.

“Haatan waxa ay Man City ku jirtaa wakhti fiican laakiin way is badali kartaa”

“Si kasta ha ahaatee Khibrada iyo qaab ciyaareedka ayaa ka caawin kara in ay ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedkan”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here