Liverpool Mise Man City? Kooxdee Ayuu Eden Hazard La Doonayaa Ku Guulaysiga Horyaalka?

0

Xoddoha Kooxda Chelsea Ee Eden Hazard ayaa isku diyaarinaya kulanka adag ee ay kooxdiisa chelsea maanta la ciyaari doonto hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Liverpool xilli ay u dagaalamayaan sidii ay ku dhamaysan lahaayeen kaalmaha loogu soo boxo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Eden Hazard ayaa sheegay in uuna wax dan ah ka lahayn kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa ku tartamaya ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay Liveprool 2 dhicbood ku hayso hogaanka kana horayso Man City.

“Anigu wax dan ah kama lihi kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League, waxa aan isku dayi doonaa in aan Liverpool guul ka gaadhno”.

“Liverpool waa koox cajiib ah wayna fiicantahay in la daawado waxana ay haystaan tababare fiican waxana ay haystaan xiddigo cajiib ah”.

“Laakiin Man City ama Liverpool wax dan ah kama lihin kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier league xilli ciyaareedkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here