Liverpool Mise Man City? Keown, Redknapp & Sutton Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier Leageu.

Khabiirada Martin Keown, Jamie Redknapp & Chris Sutton ayaa shaaca ka qaaday kooxda ay u malaynayaan in ay ku guulaysan doonto horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan.

13 kulan ayaa ka dhiman dhamaadka horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2018/2019 Liverpool ayaana 3 dhibcood ku haysa horyaalka premier League iyada oo ka horaysa kooxda difaacanaysa premier League.

Liverpool ayaa markii hore ku haysay 7 dhibcood hogaanka horyaalka La Laakiin Man City ayaa soo yaraysay dhibcaha kadib markii ay Reds dhibco ku lumiso kooxaha Leicester City iyo West Ham.

Kooxda Pep Guardiola oo xilli ciyaareedkii hore 100 dhibcood ku qaaday horyaalka premier League ayaa doonaysa in ay markii 2-aad oo xiriir ah ku guulaysato horyaalka

Halyeeyab Arsenal ee Keown iyo xiddigii hore ee Redknapp ayaa rumaysan in kooxda Pep Guardiola ku fashilmi doonto hanashada horyaalka halka Sutton uu Man City ku taageeray in ay Reds ku garaacdo hanashada horyaalka.

Jamie Redknapp:

Man City ayaa haatan ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka laakiin wali waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka Laakiin waxa ay ku qaadi doontaa dhibco yar.

Martin Keown:

Waxa aan xilli ciyaareedka oo dhan u saadaaliyay hanashada horyaalka Kooxda Liverpool laakiin todobaadyada yar ee soo socda ayaa noqon doona tijaabadoodii ugu weynad ilaa haatan.

Chris Sutton:

Waxa aan shardi ku gali karaa in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka, Liverpool waxa ka soo muuqatay calaamado wal-wal leh isniintii waxana aan aaminsanahay in ay Man City goolal ku qaadi doonto horyaalkaā€¯.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here