Liverpool Mise Man City? Jesse Lingard Oo Jawaab Cajiib Ah Ka Bixiyay Markii La Waydiiyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Premier Leageu.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Jesse Lingard ayaa jawaab cajiib ah ka bixiyay markii la waydiiyay kooxda uu doonayo in ay ku guulaysato horyaalka premier League kooxaha Liverpool iyo Man City,

Liverpool ayaa haatan3 dhibcood kaga hogaaminaya Man City premier League xilli 13 kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka horyaalka.

Xiddiga reer England oo ka hadlay Bandhig Coca-Cola ayaa xiddiga La waydiiyay kooxda uu doonayo in ay ku guulaysato premier League.

“Cunaha ayaa i xanuunaya kama jawaabi karo arintaas”ayuu Lindgard Yidhi.

Xiddiga ayaa door muhiim ah dhankiisa ka ciyaaray qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay kooxda Man United ku jirto wakhtigii ugu dambeeyay.

Red Devils ayaa kaliya 2 dhibcood ka dambaysa kaalinta 4-aad ee loogu jiro booska loogu soo boxo tartanka champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here