Liverpool Mise Man City? Gary Neville & Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League & Waliba Saadaalintii Ay Ka Sameeyeen Kulamada U Hadhay Labada Kooxood.

Khabiirada Sky Sport ahna halyeeyada kooxaha Man United iyo Liverpool ee Gary Neville & Jamie Carragher ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo isku khilaafsan saadaalinta ay sameeyeen.

Kooxda Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League wakhti xaadirkan waxana ay leedahay 82 dhibcood halka ay Man City leedahay 80 dhibcood inkasta oo ay kooxda Man United hal kulan oo baaqi ah gacanta ku haysato kaas oo ay la ciyaari doonto kooxda Man United kulan ka dhici doona Old Trafford.

Halyeeyada reer England ayaa isku raacay saadaalinta natiijooyinka qaar ka mid ah kulamada u hadhay labada kooxood ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkkan.

Gary Neville & Jamie Carragher ayaa isku raacay saadaalinta in ay Man City guul ka gaadhi doonto kooxda Tottenham kulan ka dhici doona Etihad halka ay sidoo kale isku raaceen bar-baraha ay Man City la gali doonto kooxda Man United.

Labada khabiir ayaa sidoo kale isku raacay in ay Man City ka badin doonto kooxaha Leicester City iyo Brighton kulan ka dhici doona garoonka Kooxda Man City ee Etihad.

Laakiin waxa ay isku khilaafeen natiijooyinka kulamada Crystal Palace iyo Burnley iyada oo uu xiddigii hore ee Liverpool sheegay in ay ka badin doonto kooxaha Crystal Palace iyo Burnley.

Laakiin xiddigii hore ee kooxda Man United ayaa sheegay in ay Crystal Palace bar-baro la gali doonto kooxda Man City ka hor inta ayna City ka badin kooxda Burnley.

Ugu dambayn labada khabiir ayaa isku raacay in ay kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedka heli doonto 94 dhibcood sidaasna ku dhamaysan doonto horyaalka xlli ciyaareedkan.

Dhanka kale Khabiirada Gary Neville & Jamie Carragher ayaa isku raacay in ay Liverpool garaaci doonto kooxaha Cardiff City, Huddersfield, iyo Wolves  sidoo kale bar-baro la gali doonto kooxda Newcastle.

Laakiin labada khabiir ayaa isku khilaafay saadaalinta kulanka Chelsea iyada oo uu Jamie Carragher saadaaliyay in ay Liverpool garaaci doonto chelsea halka uu Gary Neville saadaaliyay in ay bar-baro gali doonaan labada kooxood.

Gary Neville & Jamie Carrager ayaa markan isku khilaafay saadaalinta dhibcaha ay heli doonto Liverpool iyada oo uu Gary Neville saadaaliyay in ay Liverpool heli doonto 93 dhibcood sidaasna ku waayi doonto horyaalka premier League.

Laakiin Jamie Carrager ayaa saadaaliyay in ay Liverpool heli doonto dhibco dhan 95 dhibcood sidaasna ugu guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here