Liverpool Mise Bayern Munich? Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda U Gudbi Doonta Wareega Xiga Kadib Bar-Barihii Anfield

0

Halyeeyga Kooxda Man United ahna khabiirka BT Sport ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay kooxda wareega 8 dhamaadka u gudib doonta kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich kadib kulankii ay bar-baraha gool la,aanta ah ku galeen Anfield.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa booqan doonta Bayern Munich lugta 2-aad kadib markii ay bar-baro galeen kulankii xalay ka dhacay Anfield.

Bar-baro goolal ah ayaa Liverpool kaga filan in ay wareega xiga u baxdo waxana uu Rio Ferdinand Saadaaliyay in ay Reds shaqada dhamaystiri doonto lugta 2-aad.

“Waxan u malaynayaa in ay kaliya tahay markii 2-aad oo ay Liverpool ku fashilantay in ay gool ku dhalin waydo Anfield sidaas darteed waa in ay Bayern hesho amaanta ay mudan tahay”ayuu u Sheegay BT Sport.

“Waxa ay halkan la yimaadeen khibrad iyaga oo si fiican u difaacday goolkooda Liverpoolna ku qasbay bar-baro”.

“Laakiin marka la eego weerarka halista ah ee Liverpool waxa ay dhalin karaan gool taas oo ka caawin doonta in ay u gudbaan wareega xiga”.

“Waxa aan ku kalsoonahay in ay Liverpool wareega xiga u gudbi doonto sababta oo ah weerarkooda ayaa halis ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here