Liverpool Mise Bayern Munich? Joshua Kimmich Oo Saadaaliyay Kooxda Guusha Gaadhi Doonta Caawa & Sababta Oo Uu Sharaxay

Xiddiga daafaca uga ciyaara Kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa saadaaliyay kooxda guusha gaadhi doonta kooxdiisa iyo kooxda Liverpool kulanka caawa lugta 1-aad ee wareega 16-ka chamions League.

Joshua Kimmich ayaa kooxda Liverpool u saadaaliyay in ay guul ka gaadho kooxdiisa Bayern Munich kulanka ka dhici dona garoonka Anfield.

Daafaca reer Germany ee Joshua Kimmich oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi” Liverpool ayaa ugu cad-cad in ay naga badiso caawa”.

“Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan Liverpool waxa ay la kulmeen hal guuldaro oo premier League ah waxana laga dhaliyay kaliya 10 gool”.

“Waxa ay leeyihiin tayo cajiib ah iskuna dheeli tiraysa weerarkooda iyo daafacooda taas ayaana siinaysa awood gaar ah”.

“Liverpool waxa ay leeyihiin xiddigo orod badan waana sababta ay ugu cad-cadyihiin in ay naga badiyaan kulanka caawa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here