Liverpool? Man City? Jamie Redknapp Oo Saadaaliyay Koxoda Ku Guulaysan Doonta Premier League

0

Xiddigii hore ee kooxda Tottenham ahna khabiirka Sky Sport ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Jamie Redknapp ayaa Liverpool u saadaaliyay in ay soo afjari doonto 30-kii sano ee ay sugaysay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa hal dhibic ka dameeya kooxda Difaacanaysa horyaalk ee Man City xilli ay 10 kulan ka hadhsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahatee Reds ayaa ba-baro gashay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu damabaysay halka ay Man City 4 kulan oo xiriir ah badisay.

Cadaadiska ay dareemayaan xiddigaha Liverpool ayaa ah in ayna kooxda Klopp wali wax koob ah ku guulaysan intii uu kooxda hogaaminayay laakiin Jamie Redknapp ayaa aaminsan in ay Ugu dambayn ku guulaysan doonto horyaalka.

Isaga oo wax laga waydiiyay in uu Liverpool u saadaalinayo horyaalka premier league ayuu yidh”Haa waan u saadaalinayaa”.

“Waxa ay noqon doontaa mid adag laakiin Liverpool waxa ay joogtay halkaas oo kale waxana ay xiddiguhu dareemayaan khal-khal sabab la xidhiidha waxa ay ula macno tahay”.

“Waxa aan Liverpool u saadaalinayaa in ay ku guulaysato horyaalka waxana aan ogahay waxa ay ula macno tahay ku guulaysiga horyaalka”.

“Haatan cadaadisku waxa uu ku badan yahay Man City marka loo eego Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here