“Liverpool Kuma Guulaysanayso Horyaalka Xitaa Hadii Ay 5/0 Uga Badiyaan Man City” Xiddigii Hore Ee Liverpool Stan Collymore Oo Ka Xanaajiyay Taageerayaasha Kooxdiisii Hore

0

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Stan Collymore ayaa ka dhawaajiyay hadal ka xanaajiyay taageerayaasha kooxdiisii hore ka hor kulanka adag ee ay khamiista la ciyaari doonaan kooxda Man City.

Stan Collymore ayaa sheegay in ay Liverpool ku fashilmi doonto in ay ku guulaysato horyaalka premier League xitaa hadii ay 5/0 uga badiso Man City kulankooda khamista.

Reds ayaa hogaanka u haysa horyaalka premier Leageu iyaga oo 7 dhibcood oo cadaan ah ka horaysa kooxda difaacanaysa horyaalka ka hor kulankooda.

Laakiin ka hor kulanka Khamiista Stan Collymore ayaa aaminsan in aanu wali ku qanacsanayn in ay Liverpool ku guulaysan karto horyaalka.

“Xitaa hadii ay Liverpool 5/0 ku garaacdo Man City kulanka khamiista ee ka dhici doona Etihad wali waxa aan rumaysanahay in ay kooxda Pep Guardiola ku guulaysan karto horyaalka”.

“Sababta ayaa ah in ay Wali khati hore in la sheego in ay kooxdaydii hore ku guulaysan karto horyaalka, ma sheegin hadii ay 10 dhibcood ku hayso hogaanka marka la gaadho bartamaha bisha March ama bilowgi bisha April markaas ayaa laga yaabaa in aan bilaabo in aan ka fikiro in ay Liverpool ku guulaysan karto horyaalka”.

Liverpool ayaa khamiista marti u noqon doonta Man City kulan ka tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here