Liverpool & Chelsea Oo Isku Baacsanaya Xiddig U Ciyaara Lazio & Hal Arin Oo Liverpool Ka Caawin Karta In Ay Blues Ku Garaacdo Saxiixa.

Kooxaha premier league ka dhisan ee Liverpool iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaal ku galayaan xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lazio ee Ciro Immobile.

Sida laga soo xigtay Il Messaggero Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u diri doonta Immobile kulanka Napoli ee Axada.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Reds xiriir fiican la leedahay milkiilaha Lazio kadib markii ay ka iibiyeen xiddigaha Luis Alberto & Lucas Leiva kaas oo ka caawin kara in ay ku guulaysato heshiiska xiddiga.

Si kasta ha ahaatee waxa ay tartan kala kulmayaan kooxda Chelsea kuwaas oo doonaya weeraryahan mustaqbalka ku leh kooxda.

Xiddiga oo 28 jir ah ayaa lagu qiimeeyaa 50 Milyan oo euro kaas oo dhaliyay 80 gool 112 kulan oo uu u saftay kooxda Lazio.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu ku biiri doono xagaaga xitaa hadii ay heshiiska Bishan dhamaystiraan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here