LIVE: Halkan Si Toos Ah Ugala Soco Dhaq Dhaqaaqa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maalina 10-Aad Ee Bisha January.

0

Waxaa la soo gaadhay waqtigi in badan la sugayay waxaana si rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January iyada oo hadda ay kooxuhu samayn karaan saxiixiyo ay kooxahooda ku soo xoojin karaan si ay uga soo kabsadaan meelo ay ka liiteen qaybtii hore ee xili ciyaareedkan.

Waxaa jira ciyaartoy aad u badan oo si wayn loogaga hadalayo warbaahinta caalamka kuwaas oo la filayo in ay gundhig u noqon doonaan xidigaha badan ee lala kala wareegi doono muddada bisha ah ee uu furnaan doono suuqa bishan January.

Kooxaha Premier League ayaa la filayaa in bishan January ay si wayn uga dhex muuqan doonaan suuqa kala iibsiga maadaama oo uu tartanku noqday mid xoogan isla markaana ay koox kastaaba raadinayso ciyaartoy cusub oo awoodeeda sii xoojin kara.

Shabakadaha Laacibkii.Com ayaa sidii aad uga barateen markale iska kaashan doona sidii ay maalin kasta idiinku soo gudbin lahaayeen barnaamijka tooska ah ee suuqa kala iibsiga, iyada oo min 9:00 Subaxnimo ilaa habeenkii aanu halkan idinkula socodsiin doono dhaq dhaqaaqa suuqa kala iibsiga.

Haddaba halkan hoose kala soco wax walba oo suuqa kala iibsiga ku soo kordha, waxaanada kaga qayb qaadan kartaan fariimaha commentska.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here