Lionel Messi: Xifiltankii Cristiano Ronaldo Waxa Ahaa Mid Aad Caafimaad Qaba Oo Aad Taageerayaasha Ugu Qurux Badnaa.

0

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyay wargayska caanka ah ee Marca laakiin iyada oo aan wali lawada baahin waraysiga Messi uu bixiyay ayuu wargayska magaalada Madrid ka soo baxa ee Marca wax yar ka sii bixiyay qodobada ku jiri doona waraysiga ay la yeesheen Messi.

Arimaha Lionel Messi wax laga waydiiyay waxaa ka mid ah xifiltankii uu waqtiga dheer kula soo jiray Cristiano Ronaldo, abaal marinta Ballon d’Or ee uu kaalinta shanaad ka galay codbixinteedii, qoyskiisa iyo kubbada cagta, Neymar Jr, Ousmane Dembele, Guardiola, Andres Iniesta, xarunta La Masia iyo waliba kooxdiisa Barcelona.

Iyada oo la sugayo in waqtiyada soo socda uu wargayska Marca baahin doono waraysigan xiisaha badan oo dhamaystiran ayay wax yar ka sii bixiyeen jawaabaha uu Lionel Messi ka bixiyay qaar ka mid ah mawduucyada aan soo sheegnay.

Lionel Messi oo shan jeer ku soo guulaystay abaal marinaha Ballon d’Or iyo kabta dahabka ah ee yurub ayaa sanadkan kaalinta shanaad ka galay codbixintii Ballon d’Or wuxuuna xusay in loo sii sheegay xidigaha kaalinta hore ku jiray balse waxa uu dhinaca kale sheegay in xifiltankii Ronaldo uu ahaa mid caafimaad qaba oo jamaahiirta kubbada cagta u fiicnaa.

Lionel Messi oo ka hadlaya in uu kubbada cagta jecel yahay balse uu qoyskiisu yahay kan wax walba u ah ayaa yidhi: “Anigu waxaan jecelahay kubbada cagta, laakiin qoyskayga ayaa wax walba ka sareeya”.

Su’aasha Lionel Messi laga waydiiyay xifiltankii isaga iyo Cristiano Ronaldo u soo dhexeeyay waqtiga dheer isla markaana la filayo in uu wali sii socon doono ayuu ku jawaabay: “Xifiltankii Cristiano waxa uu ahaa mid aad caafimaad qaba oo aad ugu qurux badnaa taageerayaasha”.

Lionel Messi ayaa cadeeyay in xili horeba loo sii sheegay in aanu ku jirin loolankii abaal marinta Ballon d’Or ee uu Modric ku soo guulaystay wuxuuna yidhi: “Waan maqlay kuwii loo magacaabay Ballon d’Or isla markaana waan sii ogaa in aanan ku jirayn dagaalka”.

Si kastaba ha aha ahaatee, wargayska Marca ayaan wax faah faahin ah ka sii bixin qodobada kale ee uu Messi kaga hadlay qodobada kala ah Pep Guardiola, Andres Iniesta, Neymar Jr, Ousmane Dembele, xarunta La Masia iyo kooxdiisa Barcelona kuwaas oo aanu insha allah idiin soo gudbin doono marka ay soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here