Lionel Messi: Waxa Aan Soo Bandhignay Qaab Ciyaareed Fiican, Halkan Arin Ayaana Iga Caawiyay Labada Gool

Barcelona ayaa gaadhay Semi-finalka champions League kadib markii ay garaacday kooxda Man United kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Lionel Messi ayaa dhaliyay 2 gool isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaadho kooxda reer England kuwaas oo aan soo bandhigi qaab ciyaareed fiican.

“Waxa uu ahaa kulan cajiib ah”ayuu Lionel Messi yidhi kadib dhamaadka ciyaarta.

“Waa waxa aan nahay, waxa aan ahayn qaar qabaw oo naxsan bilowgii ciyaarta”.

“Ma garan karo sababta, laakiin waxa aan la wareegnay hogaanka ciyaarta kadib”.

“Messi ayaa furay gool dhalinta isaga oo goolka 2-aad kaga dhaliyay khalad uu sameeyay goolhayaha kooxda Man United kaas oo ay ka hoos baxday kubadu.

“Waxa aan ahaa mid nasiib badan goolkii 1-aad”ayuu Messi qirtay.

“Goolka 2-aad ayaanba ka sii nasiib badnaa, Nasiib ayaana iga caawiay labada gool”.

“Laakiin muhiimada ayaa ah waxa aan gaadhnay oo ah in aanu gaadhnay Semi-finalka tartanka champions League oo aanan gaadhin muddo dheer”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here