Lionel Messi: Waan Ku Faraxsanahay In Aan Barcelona U Dhaliyay 400 Oo La Liga Ah, Mana Iloobo Halkan Gool

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona Ahna kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib goolkiisii 400-aad ee uu u dhaliyay kooxdiisa horyaalka La Liga.

Messi oo waraysi siiyay wargaysa Mundo Deportivo ayaa yidhi”Waan ku faraxsanahay in aan gaadhay goolkaygii 400-aad ee horyaalka La Liga”.

“Waxa aan rajaynayaa in aan sii wado goolal badan oo kalena dhaliyo”.

“Anigu diirada ma saaro rikoodhada shaqsiga ah, waxa aan doorbidaa in aan maalin walba u noolaado in aan horumar sameeyo goolal badana dhaliyo”.

“Waxan u malaynayaa in kulan walba oo aan ciyaarno in uu yahay tartan cusub una baahanahay in aanu guul gaadhno, waxana loo baahan yahay in aanu sii wadno helista 3-da dhibcood ee horyaalka kulan kasta”.

Messi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Ma jecli in aan ka hadlo goolasha laakiin marna ma iloobo caawintii Ronaldinho ee aan ka dhaliyay goolkaygii ugu horeeyay iyo goolasha aan ka dhaliyo El Clasico waa qaar aan u fiican”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here