Lionel Messi Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Gool Dhalinta Yurub Kadib Goolkii Girona

0

Kadib markii uu Girona ka dhaliyay goolkiisii 19-aad ee horyaalka La Liga kooxdiisana ku hogaamiyay guul 2/0 ah oo ay ka gaadheen Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiii 21-aad.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii dheeraystay hogaanka Gool dhalinta tartanka kabta dahaba ah ee gool dhalinta yurub.

Messi ayaa haatan leh 38 dhibcood kaas oo uu ka helay 19 gool oo uu dhaliyay horyaalka La Liga isaga oo gool walba loogu qiimeeyay 2 dhibcood.

Waxa ka dambeeya xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe kaas oo dhaliyay 17 gool oo uu ku helay 34 dhibcood ilaa haatan horyaalka Ligue 1.

Xiddiga u ciyaara kooxda Sampdoria ee Fabio Quagliarella ayaa si lama filaan ah kaalinta 3-aad u soo galay kadib markii uu xalay kooxdiisa guul ku hogaamiyay isaga oo leh 16 gool oo u dhigma 32 dhibcood.

Hadaba Halkan hoose Kaga Bogo Liiska sida loogu kala sareeyo tartanka gool dhalinta:

Messi 19 goals (38 Dhibcood)

Mbappe 17 goals (34 Dhibcood)

Quagliarella 16 goals (32 Dhibcood)

Salah 16 goals (32 Dhibcood)

Liliu 31 goals (31 Dhibcood)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here