Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali sii wada rikoodh jabinta caadada u ah sanadihii uu ciyaarayay kubada cagta.
Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona ka caawiyay in ay u gudubto wareega 8 dhamaadka tartanka Copa Del Rey-ga kadib hal gool oo uu dhaliyay iyo 2 kale oo uu ka caawiyay Dembele.
Messi ayaa goolka ka dhaliyay Levante daqiiqadii 54-aad isaga oo sidaas ku dilay rajadii ay kooxdaas ka qabtay u soo bixista wareega xiga.
Kadib goolkaa xiddiga reer Argentine ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan taariikhda tartanka Copa Del Rey-ga.
Leo Messi ayaa dhaliyay 49 gool oo uu kooxdiisa Barcelona u dhaliyay tartanka isaga oo la goolal ah Halyeeyga reer Barcelona ee László Kubala.
Xiddiga kaalinta 1-aad ku jira ayaa ah xiddigii hore ee kooxda Barcelona Samitier kaas oo kooxda u dhaliyay 65 gool oo tartanka ah.