Lionel Messi Oo Ku Soo Laaban Doona Xulka Qaranka Argentine & Tartanka Ku Soo Celin Doona Xulkiisa Oo La Ogaaday

June 14, 2019 Waxa dalka Brazil ka bilaaban doona tartanka Copa America waxana uu noqon doonaa tartanka Lionel Messi Markii ugu horaysay ku soo Celin doona xulka qaranka Argentine.

Xiddiga Barcelona ayaa haatanba qorshaynaya in uu ku soo laabto qorshihiisa tartanka Copa America ayaana ah tartanka ku soo celin doona xirashada maaliyada xulka qaranka Mar kale.

Tababare Claudio Tapia ayaa si maldahan u sheegay soo laabashada Messi inkasta oo uuna xiddigu si Rasmi ah u qaadan go,aanka iyada oo xiddiga iyo tababaruhu ku kulmeen Finalkii Copa Libertadores ee dhex maray kooxaha Boca Juniors & River Plate.

Kadib koobkii adduunka Messi ayaa go,aansaday in uu fasax ka qaato xulka qaranka isaga oo aan wax kulan ah u ciyaarin tan ilaa tartankii koobka adduunka.

Messi ayaa ku soo laaban doona xulka qarankiisa bisha June inkasta oo ay jiraan kulamo la ciayari doono March laakiin Messi ayaan qorshaynayn in uu ka qayb qaato.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here