Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodh Kulanka Atletic Bilbao Ee Horyaalka La Liga

0

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa hogaaminaya xiddigaha caawa ka hor tagi doona kooxda Atletic Bilbao Kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Argentine ayaa isha ku haya ama ku dhawaanaya rikoodh cusub hadii uu ku bilowdo kulanka Atletic Bilbao ee caawa.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Lionel Messi safan doono kulankiisii 666 ee tartamada oo dhan hadii uu caawa ciyaaro kulanka Bilbao.

Leo Messi ayaa haatan Barcelona tartamada oo dhan u ciyaaray 665 kulan isaga oo guul la gaadhay 470 kulan halka uu bar-baro galay 122 kulan ugu dambayna guuldaro la kulmay 73 kulan.

Lionel Messi ayaa kulamadaas tartamada oo dhan u dhaliyay kooxdiisa 581 kulan halka uu caawiye ka noqday 227 gool.

Waxa sidoo kale xusid mudan in uu Lionel Messi ku guulaystay 33 koob intii uu xidhnaa maaliyada kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here