Lionel Messi Oo Hogaanka U Qabtay Tartanka Gool Dhalinta Yurub Kadib Goolkii Getafe

0

Waxa is badala sanadaha laakiin Lionel Messi ayaa dadka kaga yaabsada goolashiisa kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Getafe kulankii ka dhacay garoonka Estadio Coliseum Alfonso Perez.

Goolkaas ayaa u dhiibay hogaanka tartanka loogu jiro gool dhalinta tartamada yurub ee Kabta dahab ka ah.

Messi ayaa sidoo kale isha ku haya in uu mar kale ku guulaysto abaalmarinta gool dhalinta La Liga ee Pichichi Trophy xilli ciyaareedkan.

Leo Messi ayaa haatan dhaliyay 16 gool oo uu ka dhaliyay 18 kulan oo horyaalka La Liga ah isaga oo leh 32 dhibcood marka laga hadlayo tartanka gool dhalinta yurub.

Waana xiddiga ugu badan ee leh dhibcaha ugu badan kadib markii uu gool dhaliyay kulankii xalay isaga oo isha ku haya baalmarinta sanadkii 4-aad oo xiriir ah.

31 jira ayaa abaalmarinta kabta dahabka ah ku guulaystay shan jeer oo hore oo ay ugu dambaysay xilli ciyaareedkii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here