Lionel Messi Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Kooxdiisa Barcelona Xilli Ay Bar-Baro Ku Dhaafi Waayeen Valencia.

Kooxda Barcelona ayaa bar-baro la gashay kooxda Valencia kulan ka dhacay garoonka Camp Nou kana tirsanaa horyaalka La Liga toodbaadkiisii 22-aad.

Kulanka ayaa ku bilowday si cajiib ah oo ay kooxda Valencia ka qaab ciyaareed fiican tahay kooxda Barcelona kuwaas oo aan si fiican ku bilaaban ciyaarta.

Valencia ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Barcelona ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay Barcelona.

Kooxda Valencia ayaa ka midho dhalisay dadaalkeeda iyaga daqiiqadiii 24-aad dhaliyay goolka 1-aad oo uu u dhaliyay xiddiga Kevin Gameiro isaga oo sidaas hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Valencia ayaan halkaas ku joogsan laakiin waxa ay sii wadeen cadaadiskii ay weerarka rogaal celiska ah ugu qaadayeen kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 32-aad ayay Valencia sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Dani Parejo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Sidii caadada ahayd Lionel Messi ayaa kooxdiisa u soo baxay isaga oo daqiiqadii 39-aad dhaliyay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay. isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo labada Kooxood ku kala bexeen 2/1 ay kooxda Valencia ku hogaaminayso ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay sidii ay u bar-baryn lahaayeen ciyaarta.

Barcelona ayaa qaybtii dambe gabi ahaan ka awood badnayd kooxda Valencia iyaga oo raadinayay sidii ay u bar-barayn lahaayeen goolka.

Daqiiqadii 64-aa ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona bar-baro la gashay kooxda Valencia xilli uu Messi guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here