Lionel Messi Oo Caawinta Ugu Badan Sameeyay Shanta Horyaal Ee Yurub Sanadkii 2018

0

Waxa dhamaaday sanadka 2018 waxana bilaabmay sanad cusub kaas oo la sugayo tartano cusub oo dhex mara xiddigaha u ciyaara kooxaha yurub iyo waliba kooxaha reer yurub.

Sanadka ayaa si la yaab leh loo arkay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo kaalinta 5-aad ka galay abaalmarinta Xiddiga ugu fiican adduunka.

Laakiin Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu caawinta badanaa horyaalada yurub sanadkii 2018.

Waxa ku xiga xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Luis Suarez kaas oo ah xiddiga 2-aad ee ugu caawinta badan tartamada yurub ee sanadkii dhamaaday.

Shabakada Opta ayaa sheegayaa in uu kabtanka kooxda Barcelona caawiye ka noqday 26 gool oo horyaalka La Liga ah.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha caawinta ugu badan sameeyay horyaalada shanta ah ee ugu waaweyn.

Lionel Messi (Barcelona) 26 Caawin

Luis Suarez (Barcelona) 24 Caawin

Memphis Debay (Lyon) 24 Caawin

Dimitri Payet (Marseille) 23 Caawin

Neymar (PSG) 18 Caawin

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here