Lionel Messi & Luis Suarez Oo Kaligood Ka Goolal Badan Kooxaha Horyaalka La Liga Marka Laba Reebo Laba Kooxood

Xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa sii wada wacdaraha xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga iyaga oo Barcelona ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen kooxda Eibar kulan ahaa todobaadkii 19-aad.

Luis Suarez ayaa dhaliyay 2 gool halka uu Lionel Messi dhaliyay hal gool iyaga oo Barcelona ku hogaamiyay guul ay u qalmeen.

Kadib 3-da gool ee ay wada dhaliyeen labada xiddig ayaa sii wada rikoodhkooda gool dhalinta ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 1-aad ee Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 17-aad ee horyaalka halka uu Luis Suarez dhaliyay goolkiisii 14-aad.

Taas ayaa la macno ah in ay xiddigaha weerarka u hogaamiya Barcelona dhaliyeen 31 gool marka la isku daro goolashooda.

Xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa ka goolal badan 18 kooxood oo horyaalka La Liga ah kadib kulankii Eibar ee La Liga.

Xiddigaha Messi iyo Suarez ayaan ka goolal badnayn kaliya kooxdaha Seviila iyo Celta Vigo kuwaas oo dhaliyay 31 gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here