Lionel Messi, Kylain Mbappe & Mohamed Salah Oo Isku Baacsanaya Gool Dhalinta Yurub

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali hogaaminaya gool dhalinta kabta dahabka ah ee yurub ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay gool inkasta oo uu badal ku soo galay kulankii Leganes ee Shalay isaga oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii 18-ad ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe ayaa markii hore bar-baro la ahaa Lionel Messi kadib markii uu saddexley dhaliyay kulankii ay kooxdiisu sabtidii ku badisay 9/0 Laakiin Messi ayaa haatan hal gool dhaafay Mbappe.

Dhanka kale xiddiga Liverpool ee Mohamed salah oo 2 gool dhaliyay ayaa ku soo biiray tartanka kadib 16 gool oo uu ka dhaliyay premier League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha ugu goolasha badan yurub iyo dhibcohooda.

Lionel Messi (Barcelona) 18 gool 32 dhibcood.
Kyalain Mbappe (PSG( 17 gool 31 dhibcood
Lillu (N├Ámme Kalju) 31 gool 31 dhibcood
Mbaye Diagne (Kasimpasa) 20 gool 30 dhibcood
Zakaria Beglarishvili (Flora) 30 gool 30 dhibcood
Luis Suarez (Barcelona) 15 gool 30 dhibcood

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here