kulan kasta oo ka mid ah Koobka Adduunka ee FIFA waxaa ka jira xafiiltan cusub ha ahaato heerka Groupyada ama marxaladda knockout-ka. Kooxo badan oo heer sare ah ayaa la isku soo aaday taas oo u muuqata inay tahay rajo adag qaranba qaranka kale

Inta badan marka ay labada kooxood ee ugu sareysa ay si fool ka fool ah isaga horyimaadaan heerka Groupyada, natiijadu waxay door wayn ka ciyaartaa in la go’aamiyo cidda u soo bixi doonta bug baxda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Waxaa jiray dhowr ciyaar oo aan caadi ahayn oo ka tirsan Koobka Adduunka ee FIFA 2018 ee ka socda Ruushka kuwaas oo soo jiitay dareenka dad badan. Spain oo barbaro 3-3 ah la gashay Portugal, South Korea ayaa 2-0 kaga badisay Jarmalka oo ay ku reebtay, Croatia oo 3-0 ku xasuuqday Argentina ayaa ka mid ah kuwa ugu caansan.

Liiska isku aadka koobka adduunka ee FIFA 2022 ee ka dhacaya Qatar ayaa soo saaray kulamo adag oo la sugayo bal aan halka hoose ku eegno.

#5. France vs Denmark (Group D: Sabti, Noofambar 26)’

#4. Brazil vs. Switzerland (Group G: Isniin, Noofambar 28)

#3. Argentina vs. Mexico (Group C: Axad, Noofambar 27)

#2. Spain vs. Germany (Group E: Isniin, Noofambar 28)

#1. Portugal vs Uruguay (Group H: Talaado, November 29)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here