Leroy Sane Oo Guul Qaali Ah Ku Hogaamiyay City , Liverpool Ayay 2/1 Ku Macsalamaayeen Xilli Loolanka Horyaalka Uu Soo Noolaaday

0

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Liverpool hal gool oo nadiif ah ka dib ciyaar xaraarad leh oo ay Man City soo bandhigtay hanaan ciyaareed aad u sareeya .

City ayaa ku badneyd maamulka kubadda wax ayna ku jiidayeen goosha Liverpool balse waxaa kaliya ka harsanaa in kubadaha u badalaan fursado xaqiiq ah .

Ka dib 10-ka daqiiqo ee ay City kubadda maamuleen Liverpool waxa ay bilaabeen in kubadda ay la qeybsadaan City balse afka hore ma aysan gaareyn .

City kubad deg degsiimo leh oo ay kasooni dheer tahay ayay ciyaarayeen waxaana kaliya ka maqnaa in kubadda gool u turjumaan .

Liverpool oo mararka qaar kubadaha rogaal celinta ku tiirsaneyd ayaa daqiiqaddii 17-aad kubad uu dhisay Salah ayaa wax ay birta kaga dhacday Mane ka dib markii uu dib marsiiyay goolhayaha City oo soo baxay , ka dib kubadii waxaa laaday Jones balse waxa ay madaxa kaga dhacday golahaya ka dib waxa soo bad baadiyay isla laacibka xilli taageerayaasha Liverpool ku doodeen in xariiqinta ay dhaaftay .

Ka dib arintaas , Liverpool waxa ay bilaabeen in ay si wacan u dhaq dhaqaqaan isku dayo kalana wa ay sameyeanyeen balse City mar waliba kubad wacan ayay ciyaarayeen .

Dhamaadkii duulanka ayay xoojiyeen waa ayna sigayeen shabaqa Liverpool xilli goolhayaha Liverpool uu bad baadiyay fursado ayaa taasi waxaa diiday Aguero oo gool cajiib ah oo si wacan looga shaqeeyay dhaliyay daqiiqaddii 40-aad

Soo laabashadii , ma jirrin wax gaar ah oo iska badalay hanaanka ciyaarta , waxa ayna City si wadday weeararka iyo kubad haysashada .

Liverpool waxa ay dagaal ugu jireen in kubadda la qeybsadaan City balse ma jirrin fursad ay ku tagaan afka hore ee kooxda hantiilayaasha , waxa ayna badalkooda ugu horeeyay ay sameeyeen daqiiqaddii 57-aad iyaga oo soo giliyay Fabinho oo loo badalay Milner .

Ka dib badalkaas Liveroool , kubadda waa ay ku daaheysay cagtooda waa ayna u dhawaanayeen goosha xilli ay muuqdeen kuwo xasilay isla markaana ku kalsoon in ay heli karaan goolka bar bar dhaca

Baasaskii wacnaa ee Liverpool gool ayaa ku yimid ,ka dib kubad uu Salah ku qajafeeyay goosha City waxaa goosha City ku sii laaday Andy Robertson ka dib waxaa madaxa ku sii dhameystiray Firminho daqiiqaddii 64-aad

City kama aysan qaadin wax niyad jab goolkaas , waxa ayna dhisayeen kubad gaagaaban illaa ugu dambeyn ay keeneen gool uu ka shaqeeyay Raheem waxa uuna u baasay Leroy Sane oo shabaqa dhigay daqiiqaddii 72-aad

Liverpool dhamaadkii waa ay weerar tagayeen balse City waa ay foojignaayeen xilli Aguero iyo Sane ay dagala ugu jireen gool 3-aad

Daqiiqadii 84-aad Liverpool goolka bar bar dhaca ayay ku sigteen balse Stones iyo gool hayaha City ayaa diiday ka dib kubada ay Liverpool ku cel celiyeen goosha City , waxa ayna City dhamadkii ku sigteen gool sedexaad balse goolhayaha Liverpool ayaa ka bad baadiyay

Si kastaba dhamadkii ay isu weeereen wax aay ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday City wax aayan haatan City leeyihiin 50 dhibic iyo booska 2-aad halka Liverpool leeyihiin 54 dhibic iyo booska 1-aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here