Leroy Sane Oo Dhaawac Uga Baxay Kulankii Saaxiibtinimada Ee Uu Germany La Ciyaaray Serbia, Waa Sidee Xaalkiisu Haatan?

Xiddiga Kooxda Man City ee Leroy Sane ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii uu xulka Germany bar-baraha la galay xulka Serbia kulanka Serbia.

Taageerayaasha xulka Germany ayaa si weyn u oriyay kadib markii uu dhaawac gaadhsiiyay xiddiga kooxda Red Star ee Milan Pavkov.

Sane ayuu dhaawac ka soo gaadhay kuraanta daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyada oo uu garsoore Bobby Madden kaadhka tooska ah ee cas u taagay xiddiga Milan Pavkov.

Xiddiga ayaa ugu dambayn ka baxay ciyaarta kadib markii uu daawayn ku qaatay garoonka dhexdiisa muddo daqiiqado ah.

Sane ayaa u dhaawamcy si la mid ah qaabkii uu xiddigu u dhaawacmay sanadkii 2018 markii uu daafaca Cardiff City ee Joe Bennet Dhaawaca gaadhsiiyo.

Si kasta ha ahaatee tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa sheegay in uuna dhaawaca Leroy Sane ahayn mid halis ah waliba diyaar u noqon karo kulanka Holland ee Axada.

“Waxa uu ahaa khalad xun, Sane waxa uu Nasiib u lahaa in uuna dhaawac soo gaadhin ama ayna Lugtu Jabin”ayuu yidhi.

“Waxba ha wal-walina Leroy Sane wuu fiicnaan doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here