Leicester City Oo Guuldaradii 2-aad Oo Xiriir Ah Dusha U Saartay Man City & Citizen Oo Kaalinta 3-aad U Dhaadhacday

0

Kooxda Leicester City ayaa guuldaro kale dhabarka u saartay kooxda difaacanaysa tartanka premier league ee Man City kulan ka dhacay King power kana todobaadkii 19-aad.

City ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ay ka go,antahay in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee sabtidii ka soo gaadhay Crystal Palace.

Kooxda Man City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolasha.

Daqiiqadii 14-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva isaga oo sidaas hogaanka u dhiibay kooxdiisa kulan u muuqday mid ay Man City guul weyn gaadhayso.

Man City ayaa sidoo kale samaysay fursado halis ah oo ay ku doonayeen goolal badan oo wakhti hore ah laakiin daafaca Leicester City ayaa wax walba u sameeyay sidii ay si fiican u difaacan lahaayeen.

Daqiiqadii 19-aad ayay Leicester City dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marc Albrighton kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Man City ayaa wixii intaas ka dambeeyay maamulaysay ciyaarta iyaga oo go,doon galiyay kooxda garoonkeeda ku ciyaaraysa ee lagu naanayso dacawooyinka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro ku kala bexeen laakiin man City dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eegi sidii ay u ciyaaraysay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Sidii la filayay Man City si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay goolal kale oo ay ka dhaliyaan kooxda Leicester City halka ay Leicester City daafac ku jirtay weeraro rogaal celis ahna qaadaysay.

Daqiiqadii 81-aad ayay Leciester City ka naxasatay Man City iyaga oo uu goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Ricardo Pereira kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Leicester City.

Man City ayuu xaalku ku sii xumaaday kadib markii daqiiqadii 90-aad kaadhka cas loo taagay Fabian Delph kaas oo ciyaarta ka baxay kadib markii kaadhka loo taagay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leicester City sidaas ku gaadhay guul lama filaan ah Man City-na dusha u saartay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here