Leicester City Oo Bar-Baro Ku Qabatay Liverpool Tartanka Horyaalkana Ku Sii Haysay Mid Furan.

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro Niyad jab leh la gashay kooxda Leicester City kulan ka dhacay Anfield kana tirsnaaa Todobaadkii 24-aad ee premier League.

Kulanka ayay Liverpool ku bilaabatay qaab dar-dar leh iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba sameeyay fursado cajiib ah.

Liverpool ayaa daqiiqadii 2-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo hogaanka u dhiibay Liverpool.

Reds ayaa fursado cajiib ah heshay waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadaha ay sameeyeen xiddigaha Reds

Laakiin waxa u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan fursadahaas halka ay Kooxda Leicester City qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Leicester ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Harry Maguire.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah laakiin Liverpool awood badnayd.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin Laakiin Liverpool ayaa maamulaysay hogaanka ahaydna kooxda qaabka fiican.

Reds ayaa dhawr fursadood ku dhawaatay in ay gool u badasho halka ay Leicester City dhawr jeer ka faa,iidaysan gaadhay khaladaad Liverpool ay gashay kana dhalin gaadhay gool kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Leicster City kuwaas oo hadyad u diray Man City tartanka horyaalkana ka dhigay mid furan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here